1068 Views

Maamulka degmada Garbahaarey oo baaq soo saaray

Maamulka degmada Garbahaarey oo baaq soo saaray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Mudooyinkii u danbeeyay waxaa biyo la’aan baahsan soo wajahay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka gedo ka dib markii ceelka kaliyaha oo ay biyaha ka heli jiraan uu halaabay waxaana ay sababtay in gabi ahaanba la la waayo biyihii macaanka iyadoo uusan jirin ceel kale oo biyaha macaan laga heli karaan dadka ku dhaqan Garbahaareey.

Maamulka degmada garbahaareey ee gobolka gedo ayaa isku dayaya inay wax ka qabtaan xaaladaan soo wajahday bulshada iyagoo kaashanaya saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan demada.

“Waxaan ku jira sidii aan wax uga qaban laheyn xaaladaan culus ee soo wajahday bulshada degmada taasi oo ah cilada ku timid ceelka sidaan ku xalin laheyn inagoo kaashaneynaa ciidanka xooga “Ayuu yir Guddoomiyaha degmada garbahaareey Xasan sheekh Cilmi jaamac.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka gedo Xasan Sheekh Cilmi jaamac ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya iyo dadka ka soo jeeda gobolka gedo in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda biyo la’aan ee heysata bulshada ku dhaqan degmadaan iyagoo haatan isticmaala biyo dhanaan taasi oo ay ka dhalin karaan cudurada faafa “ayuu ku daray guddoomiyaha degmada garbahaareey.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment