675 Views

Booliska Britain oo su’aalo weydiiyay aabaha ninka tuhunka laga qabo inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain

Booliska Britain oo  su’aalo weydiiyay aabaha ninka tuhunka laga qabo inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain
____________________________________________________________________________

isniin: October 18, 2021

Booliska Britain ayaa su’aalo weydiiyay aabaha ninka tuhunka laga qabo inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain Xarbi Cali Kullane, oo 61 jir ah.

Xarbi Cali Kulane oo hore u soo noqday afhayeenkii warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo degen magaalada London iyo Nairobi.

Wuxuu xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku jiro gacanta booliiska kadib tooreeydii wuxuuna sheegay inuu ka argagaxay xariga wiilkiisa.

Xarbi Kulanne ayaa u sheegay The Sunday Times: ‘Aad ayaan u dareemayaa argagax. Ma aha wax aan filayay ama weligay ku riyoon jiray”.

Wararka waxa ay sheegayaan in uu hadda u joogay Xarbi Kulane UK arrimo caafimaad awgiis xaalad wadnaha ah oo ku jiro Isbitaalka Bart.

Sidoo kale Booliiska Ingiriiska ayaa baaritaan ku sameeyay gurigii uu ku noolaa carruurnimadiisa ninka lagu tuhunsan yahay inuu dilay Xildhibaan David Amess. Saraakiisha ayaa baaray guriga oo ku yaal waddo ku taal Croydon, koonfurta London.

Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta.

Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David.

Wuxuu Cali Xarbi  ku xiran yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post