1035 Views

Maxkamad dammaanad ku siidaysay gabadhii Soomaalida ahayd ee saaxiibadeed afduubatay

Maxkamad dammaanad ku siidaysay gabadhii Soomaalida ahayd ee saaxiibadeed afduubatay
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7, 2021

Hafsa Abdi iyo Jackson Njogu, oo loo haysto kiiska afduubka Hasfa Mohammed Luqman ayaa maanta lagu sii daayay dammaanad.

Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in labadan eedaysane aysan wax xiriirin ah la samaynin markhaatiyaasha iyo dhibanahaba.

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato ah oo 23 jir ah, ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibteed ay ka mid ahayd dadkii afduubtay.

Waxay sheegtay in Xafsa Cabdi, haweeneyda ay maanta damaanadda ku sii daysay maxkamadda, ay ahayd maskaxdii afduubka ka dambaysay.

Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay.

“Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, “ayay tiri Xafsa Luqman.

Office Nairobi Kenya





_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post