1020 Views

Somaliland oo dib u bilaabeysa Xoolaha ay u dhoofin jirtay Imaaraadka

Somaliland oo dib u bilaabeysa Xoolaha ay u dhoofin jirtay Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Soomaaliland ayaa lagu wadaa inay dhawaan dib u bilaawdo xoolaha Nool oo ay u dhoofin jirtey wadanka isutaga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo hakad galay.

 

Wargeyska busiweek ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa qorey in dhawaan lagu wado in Markab ay saaranyihiin tiro ka badan 5,000 oo Ari in uu ka ambabaxo degmada Magaalada Berbera ee Soomaaliland.

 

 

 

Imaaraadka Carabta ayaa horey u joojiyey in Soomaaliland Xoolo looga soo dhoofiyo,hayeeshee tallaabadan ay ku timid,kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu wada-hadal la yeeshay hoggaanka UAE inta lagu guda jiray booqashadii bishii Abriil ee la soo dhaafay uu ku tegay dalkaas.

 

Kulanka Muuse Biixi ee xilligaas iyo Madaxda Imaaraadka Carabta ayaa sameeyey guddi isku-dhaf ah,kuwaas oo siwadajir ah uga wada Shaqeynaya dhoofinta Xoolaha.

 

Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka saaxiibka dhow la ah Maamulada qaar ee ka jira Soomaaliya,sida Soomaaliland iyo Puntland,waxaana uu gacanta ku haayaa dekaddaha berbera iyo Boosaaso ee Puntland & Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment