990 Views

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo ka cabanaya mushaar la’aan oo xiray Wadooyinka Gaalkacyo

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo ka cabanaya mushaar la’aan oo  xiray Wadooyinka Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

 

April 11-4-2021

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa saaka la wareegay dhammaan kantaroollada laga soo galo koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ciidankan ay ka cabanayaan mushahar ka maqan mudda saddex bilood ah.

Ciidankan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa isbaarooyin dhigtay saddexda Kantarool ee laga soo galo koonfurta Gaalkacyo, sida ay sheegeen Goob-joogayaal.

Sidoo kale Ciidanka ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka soo galaya iyo kan ka baxaya koonfurta Gaalkacyo, waxaana haatan socda dadaal lagu xallinayo tabashadooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post