765 Views

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo kulamo ka wada Kismaayo

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo kulamo ka wada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Xubnaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa kulan la qaatay guddiga Golaha Wakiilada Jubbaland u qaabilsan doorashooyinka Aqalka Sare.
Shalay ayaa  guddoonka Baarlamaanka Jubbaland magacaabay Guddigaan, kuwaas oo ka Shaqeyn doona sidii Baarlamaanka Jubbaland ay si huufan u dooran lahaayeen Xildhibaannada Aqalka Sare qeybta ka imaaneysa Jubbaland.

Labada guddi ayaa kawada hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah taas oo ku dhacda wakhtigii saxda ahaa ee loo asteeyay.
Guddiyada doorashooyinka Heer dowlad Goboleed oo dib ugu laabtay degaannadooda ayaa waxaa ay wadaan kulamadii ugu dambeeyay ee ku aadan qabashada doorashada Xildhibaannada labada Aqal.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post