273 Views

Xubnaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka oo Xilka Lagu Wareejiyay

Xubnaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka oo Xilka Lagu Wareejiyay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | Mar 29, 2023 – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka iyo Wasiirka dastuurka ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xubnaha Guddiga madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka xilka ugala wareegeen xubnihii hore, Guddoomiyaha Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa maanta xilka kala wareegay Ku-simihii Guddoomiyaha Guddiga ahna wasiiru dowlaha Wasaarada cadaaladda iyo dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Guddoonka labada Aqa.Xubnaha Guddiga, Guddoomiyaha Guddiga la socodka dastuurka labada Aqal Xil. Xuseen Iidoow, Xildhibaanada Laba gole ee Baarlamaanka, Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka, Xoghayaha joogatada ee XRW iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Guddiga madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday, waxayna kula dardaarmeen in shaqada loo diray ay u qabtaan si danta dalka ku jirto.

____________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post