495 Views

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Ee Galmudug Oo La Magacaabay

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Ee Galmudug Oo La Magacaabay
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: July 20, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda sare ee Galmudug kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

Markuu arkay :- Qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug

Markuu arkay:-  Qodobka 6aad ee Dastuurka DGGM ee qeexaya sareynta sharciga

Markuu arkay:-  Qodobka 18aad ee Dastuurka DGGM ee qeexaya dhowrista xaquuqda eedeysanaha

Markuu garowsaday:-  Baahida loo qabo dhameystirka hay’adda garsoorka GM

Markuu helay soo jeedinta:-  Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee DGGM/

Markuu la tashaday:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug

Wuxuu soo saaray Xeerkan

                                                                                                   Qodobka 1aad

Wuxuu u magacaabay mudane Cabdiqaadir Maxamed Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug

                                                                                                  Qodobka 2aad

  1. Waxaa la farayaa dhamaan hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee la magacaabay, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

                                                                                               Qodobka 3aad

  • Xeerkan wuxuu dhaqan galaaya markuu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, waana uu saxiixay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post