873 Views

41 sano jir u dhashay Shiinaha oo noqday qofkii ugu horreeyay ku dhaco caabuq

41 sano jir  u dhashay Shiinaha oo  noqday qofkii ugu horreeyay  ku dhaco caabuq
____________________________________________________________________________

3 June 2021

Nin 41 sano jir ah oo u dhashay Shiinaha ayaa la xaqiijiyay in uu noqday qofkii ugu horreeyay caalamka ee uu ku dhaco caabuq naadir ku ah oo ku dhaca shimbiraha.

Saraakiisha dowladda waxay xaqiijiyeen arrinta balse ma aysan bixinin faafaahin dheeraad ah oo la xiriirta sida uu ninka ku qaaday cudurka. H10N3 ma ahan xanuun si fudud ku faafa oo dadka ay isu gudbin karaan.

Ninka oo ku nool gobolka Jiangsu, kaas oo xanuunka uu ku dhacay isbuucii la soo dhaafay, hadda wuu ka caafimaaday, waxaana loo diray gurigiisa.

Waxaa dunida ka jira cudurro badan oo hergeb ah oo ku dhaca shimbiraha, mana ahan arrin cusub in xanuunadaas ay dadka u soo gudbaan, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya goobaha lagu xanaaneeyo shimbiraha iyo digaagta.

Ka dib markii ninkan lagu arkay xanuunka, waxaa baaritaan lagu sameeyay dhammaan dadkii uu la kulmay, mana la helin qof kale oo xanuunka qaaday.

Guddiga Caafimaadka ee Beijing (NHC) wuxuu Talaadadii sheegay in ninkan la dhigay cisbitaal ku yaalla Zhenjiang, dhammaadkii bishii April, bil ka dibna laga helay xanuunka H10N3.

“Weli dunida lagama soo sheegin qof uu ku dhacay xanuunkan H10N3, waana markii ugu horreysay. Kiiskan waa mid cusub oo digaag iyo dad ay isu gudbiyeen, mana jirto halis ah in uu aad u faafo,” sida uu qoray wargeyska Global Times oo soo xigtay NHC.

Guddiga wuxuu sidoo kale sheegay in H10N3 uu yahay cudur fudud, taas oo micneheedu yahay in uusan aad ugu badnayn digaagta iyo in ay aad u yartahay in uu ku dhex faafo dadka.

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxay Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegtay in “xilligan aysan muuqanin in dadka ay isu gudbin karaan cudurkan”.

“Maadaama fayrasyada hergebka ay ku dhex wareegtaan digaagta, in uu dadka soo gudba ma ahan arrin la yaableh, taas oo micneheedu yahay in caabuqyada hergebka ee faafa ay joogto yihiin,” ayey tiri WHO.

Waxaa hadda taagan xanuun faafa oo ka dhex dillaacay shimbiraha caalamka, kaas oo lagu magacaabo H5N9, wuxuuna sababay in kumannaan digaag lagu baabi’iyo dalalka Yurub.

Bishii February, Ruushka wuxuu soo weriyay kiiskii ugu horreeyay oo nooc kale oo hergebka shimbiraha ah oo dadka u soo gudbay.

Caabuqyada dadka ku dhaca ee hergebka shimbiraha ah waxay ka mid yihiin cudurrada marar badan dillaacay. Midkii ugu darnaa ee H7N9 wuxuu dilay ilaa 300 oo qof, 2016 illaa 2017-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post