1392 Views

Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM oo Kulan deg deg ah ku leh Muqdisho

Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM oo Kulan deg deg ah ku leh Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 20, 2019 –Kulan deg deg ah oo ay leeyihiin Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa hadda ka socda Xalane oo ah Saldhigga ugu weyn ee Beesha Caalamka iyo AMISOM.

Kulankaan ayaa waxaa ku sugan inta badan Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM,waxaana looga hadlaaya kasoo bixitaanka Ciidanka dowladda ee degmooyin ka mid ah maamulka Hirshabeelle.

Sidda uu Risaala u xaqiijiyay qof ku sugan gudaha xarunta Xalane oo Magaciisa ka gaabsaday in warbaahinta loo adeegsado kulankaan ayaa ah mid deg deg ah , Maadaama meelihii Ciidamada ay kasoo baxeen ay ku hareen Ciidanka AMISOM.

Kulankaan ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda laga saaro War ku aadan tilaabadda Ciidanka AMISOM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment