864 Views

Aqoon isweydaarsi ku saabsan cudurada Wadnaha & Neef-mareenka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Aqoon isweydaarsi ku saabsan cudurada Wadnaha & Neef-mareenka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)
____________________________________________________________________________

Aqoon isweydaarsi looga hadlayey hababka ogaanshaha cudurada neef-mareenka iyo xididdada dhiigga (Current diagnostic methods in respiratory and cardiovacular diseases) ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa soo qaban-qaabiyey aqoon isweydaarsigan Maamulka Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled, iyadoo ay ka soo qeyb galeen, Masuuliyiin kala duwan, qaar ka mid ah dhaqaatiirta iyo Halwadeenada Caafimaadka ee howlgala Isbitaalada Muqdisho qaarkood, aqoonyahano iyo xubno kale.

Dr. Maxamed Guled oo ka mid ah Dhaqaaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgala Isbitaalka Guled, kuna taqasusay daweynta cudurada Wadnaha oo ka hadlay aqoon isweydaarsigan ayaa si faahfaahsan uga hadlay halista ay cudurada wadnaha ku hayaan aadanaha iyo sida ugu haboon ee loola tacaali karo.

“Maalin kasta waxaa nagu soo booqda Isbitaalka bukaano ka cabanaya wadnaha oo xaaladahoodu kala duwan yihiin, waxaa ILAAHAY mahadiis ah inaan heysano inta badan qalabkii sahli lahaa in la ogaado noocyada cuduradaas oo inta badan haleela  xididada wadnaha, qaab dhismeedkiisa, garaaca iyo cudurada dhiig mareenka” ayuu yiri Dr. Maxamed Guled oo wax ka bartay Jaamacadaha dalka Finland, sidoo kalena ah khabiir xubin ka ah Ururka dhaqaatiirta Wadnaha ee qaarada Yurub (European Society of Cardiology).

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Guled Prof.Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo munaasabadan ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay bahda Caafimaadka u leeyihiin seminaarada noocan ah iyo baahida loo qabo iskaashiga dhaqaatiirta iyo xarumaha kala duwan ee Caafimaadka.

Prof.Dr. Axmed Yuusuf Guuleed ayaa sidoo kale soo bandhigay aqoon isweydaarsiga Cilmi baaris ku aadan cudurada Neef mareenka iyo sida uu isbitaalkiisa ula tacaalo bukaanada ka cabanaya, wuxuuna ku dheeraaday kiisaskii ugu adkaa ee ay la kulmeen iyo sida loo maareeyey, wuxuuna bulshada ugu baaqay in ay tagaan isbitaalada inta cudur kasta uu bilowga yahay si wax looga qabto.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Max’ed Maxamuud Xassan (Biday) oo gebagebadii Munaasabadaas ka hadlay ayaa isna ku amaanay Maamulka Isbitaalka Guled aqoon isweydaarsiga ay qabteen oo uu xusay in ahaa mid loo baahnaa oo wax badan laga kororsaday, wuxuuna dhaqaatiirta iyo bahda Caafimaadka ugu baaqay in la kordhiyo kulamada noocan ah si looga tashado xaaladaha Caafimaad ee bulshada ku soo kordha iyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo.

“Jaamacadda Benadir oo leh Kuliyadaha Quseeya qeybaha Caafimaadka iyo Machadka cilmi baarista iyo horumurinta ee BIRD, waxay mar kasta diyaar u tahay  iney dhaqaatiirta Soomaaliyeed iskaashi kala yeelato sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha iyo xaaladaha Caafimaad ee bulshadeena la soo dersa” ayuu yiri Dr. Biday.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta iyo aqoonyahanadii kale ee ka qeyb galay aqoon isweydaarsigan ayaa munaasabada isku dhaafsaday fikrado aqooneed iyo talooyin ku aadan cudurada ku dhaca wadnaha iyo neef mareenka, iyagoo u mahad celiyey Maamulka Guled Hospital oo munaasabadaas soo agaasimay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post