684 Views

Senetarada xil ka xayuubinta markii labaad ku sameynaya Donald Trump oo soo bandhigeen muuqaal argagax leh

Senetarada xil ka xayuubinta markii labaad ku sameynaya Donald Trump oo  soo bandhigeen muuqaal argagax leh
____________________________________________________________________________

Khamiis 11 /2/ 2021

Senetarada xil ka xayuubinta markii labaad ku sameynaya Donald Trump ayaa waxay soo bandhigeen muuqaal argagax leh oo muujinaya weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congreska e Capitol.

Iyaga oo soo xiganaya erayadii uu isticmaalay Trump iyo qoraaladii uu soo galiyay barta tweeter-ka, waxa ay xubnaha dimuqraadiyiinta ku doodeen in uu ahaa shaqsigii ” hormuudka u ahaa kicinta ” maalinkii weerarku dhacay iyo ka hor-ba.

Qaar ka mid ah Sanatarada ayaa qiirooday markii ay soo bandhigayeen rabshadaha ay ku kaceen taageerayaasha Trump.

Muqaal ay kamarooyiinka ammaanka duubeen, balse aan la shaacin ayaa sidoo kale muujinaya sida ay dibadbaxayaasha ugu soo dhawaadeen xubnaha congress-ka.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay booliiska oo gabaad siinaya siyaasiyiinta islamarkana mararka qaar ay dibadbaxayaasha ay soo jabinayeen deerta dhismaha.

Waxaa dhanka kale la soo bandhigay cod muujinaya ciidamada ammaanka oo codsanaya taageero, waxaana la maqlayay iyaga oo sheegaya in taageerayaasha Trump ay isticmaalayaan hub.

Stacey Plaskett, ayaa soo bandhigtay caddeyn isaga oo ku dooday in madaxwaynihii hore uu “si ula kac ah” u dhiirigaliyay qalalaaso.

Lix xubnood oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa ku biiray 50-kii xubnood ee xisbiga Dimuqraadiga oo soo jeediyey in madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad lagu soo oogo.

Madaxwaynihi hore ee Mareykanka Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa la sheegay in ay sare u kaceen falalka cunsuriyadda.

Qareenada u doodaya madaxwaynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay ee xil ka qaadistiisa ay horey ugu sameeyeen aqalka wakiillada.

Qareennada ayaa waxay sheegen in taageerayaashiisa 6-dii bishii January weeraray xarunta Congreska ay ahaayeen kuwa si iskood ah u sameeyay falkaasi oo uusan madaxwaynaha amrin.

Trump wuxuu bartiisa Twitterka uu ku soo qoray qoraal uu ku cambaareynayo xubnaha dimuqraadiyiinta sida ay wax u wadaan isaga oo sheegay meel marinta arrimaha sharciga inuu u xilsaaran yahay guddoomiyaha maxkamadda sare balse uu diidday.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post