252 Views

Milkiilaha shirkadda tiknolojiyadda oo shaaciyay in barta WhatsApp ee ay boqollaalka milyan ee qof ku wada xiriiraan ay todobaadkan soo bandhigi doonto

Milkiilaha shirkadda tiknolojiyadda oo  shaaciyay in barta WhatsApp ee ay boqollaalka milyan ee qof ku wada xiriiraan ay todobaadkan soo bandhigi doonto
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 27, 2022

Milkiilaha shirkadda tiknolojiyadda Meta, Mark Zuckerberg, ayaa shaaciyay in barta WhatsApp ee ay boqollaalka milyan ee qof ku wada xiriiraan ay todobaadkan soo bandhigi doonto hannaan cusub oo ay dadku isku wici karaan iyagoo adeegsanaya mareeg la wadaagi karo.

Hannaankan oo loogu magac daray “Call Links” ayaa isticmaalaha u sahlaysa inuu sameeyo link ama mareeg, kaas oo ay ku soo biiri karaan illaa 32 qof oo kale, sidaasna ay ku sheekaysan karaan.

Wicitaanka noocan oo kale ah ayaa dadku waxa ay ku heli doonaan maqal iyo muuqaalba.

Mark Zuckerberg, oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa sheegay: “Waxaynu WhatsApp-ka ku soo daraynaa hab wax lagu waco laga bilaabo todobaadkan, markaas oo aad dadka la wadaagi kartid link aad wicitaan ku samayn kartid. Sidoo kale waxaynu tijaabinaynaa hannaan muuqaal aanan xogtiisa la jabsan karin oo ay soo geli karaan illaa 32 qof. Dhawaan fisha xog intaasi dheer.”

Barta WhatsApp oo ay dadku farriimo isugu diraan iskuna wacaan, ayaa hawada waxaa lasoo geliyay bishii Janaayo ee 2009, iyadoo markii dambana uu boqollaal milyan oo doolar uu kula wareegay milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post