1131 Views

Wararkii ugu dambeeyey xaalada Guriceel oo dagaalo ka dhaceen

Wararkii ugu dambeeyey xaalada Guriceel oo dagaalo ka dhaceen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco  , Feberaayo 24, 2020 —Wararka laga helayo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlusunna Wal-jamaaca,kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

 

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii duhurnimadii Maanta ay Saldhiga Booliska degmada ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna,waxaana dagalkooda uu salka ku haayay dagaalka Maanta iyo xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Isla duhurnimadii Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa NISA ee Dowladda Soomalaiya waxaa ay dagaal kula wareegeen Saldhiga iyo Guud ahaan degmada Guriceel,waxaana la sheegay inay isaga baxeen Ciidamadii ahlusunna.

 

Wariyeyaal ku sugan degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaaladii ka dhacay degmadaas ay ku geeriyoodeen Saddex Askari oo ah dhinacyadii dagaalamay,hayeeshee xaalada haatan ay tahay mid degan.

 

Waxaa gebi ahaan xiran goobaha Ganacsiga ee degmada, iyada oo xiisada iyo dagaalka siweyn looga dareemay degmada Guriceel iyo tuulooyinka hoostaga,waxaana jirin dadaalo lagu xalinaayo dagaaladaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment