885 Views

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya oo sheegay in ciidamada Kenya aysan Soomaaliya ka bixi doonin wakhtiga dhow

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya oo  sheegay in ciidamada Kenya aysan Soomaaliya ka bixi doonin wakhtiga dhow
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya gen. Robert Kibochi, ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan Soomaaliya ka bixi doonin wakhtiga dhow.

Taliyaha oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka laga leeyahay waddanka Kenya ee KBC, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xasilooni-darro ka jirto, sidaas darteedna ciidamada Kenya aysan ka bixin doonin.

Gen. Robert Kibochi ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ay sii caawin doonaan kuwa Soomaaliya, inta  laga xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Taliye Kibochi ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya aysan weli hanan karin amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan ka maarmi karin taageerada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post