1014 Views

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 08, 2020—Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay koontoroolka Sayidka oo lagu hubiyo Gawaarida aada dhinaca Madaxtooyada.

 

Xilliga qaraxa uu dhacayay ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegen in Koontoroolka uu gaariga ku qarxay ay yaalleen Gawaari badan oo sugayey in la hubiyo taas oo keentay in uu khasaaro ka dhasho.

 

 

 

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa lagu arkayey Gaadiid farabadan oo bur burey,kuwaas oo ahaa kuwa koontoroolka ku sugnaa,waxaana Gaadiidka gurmadka ee ambalaasta ay wadaan gurmad hadii ay jiraan dad ku waxyeeloobay qaraxaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment