1581 Views

Dowladda Somalia oo sheegtay inay heystaan culeyso Caalami ah

Dowladda Somalia oo sheegtay inay heystaan culeyso Caalami ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 16, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Fedraalka Soomaaliya ay heystaan caqabado uga imaanaya Caalamka,hayeeshee ay u baahan tahay in taageero loo muujiyo.

 

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda qaarkood aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay dowladda Federaalka la kulmeyso culeyso iyo culeysyada Caalamiga ah xilli ay ku mashquulsan tahay wax u qabashada dadkeeda.

 

“Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed & madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarusaneyn caqabadaha dowladda dhexe  ay la kulmeyso,balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto dadaalada ay wado ay ku fashilanto ayuu yiri Wasiir Maareeye”.

 

Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in looga baahan yahay inay midoobaan,isla markaana ay garab istaagaan dowladda Soomaaliya si dadka hortaagan dowladnimada Soomaaliya ee uu Caalamka ku jiro looga guuleysto.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment