1140 Views

Qasaaraha ka dhasahy duqeyn Hawada ah oo ka dhacday Dalka Itobiya oo soo kordhaya

Qasaaraha ka dhasahy duqeyn Hawada ah oo ka dhacday Dalka Itobiya oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 23 2021 

Tiro dad ah ayaa ku dhintey duqeyn hawada ah, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, taasoo ka dhacdey tuulada Togogo, oo u jirta 25km magaalada Mekele ee dalka Itoobiya.

Duqeyntan ayaa waxaa geystay ciidamada cirka Itoobiya shaley.

Afhayeenka ciidamada Itoobiya, ayaa sheegay in diyaaradda dagaalka ay bartilmaameed saneysay dagaal yahano halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

Dhakhaatiirta isbitaalka Ayder, ayaa u sheegay BBC-da qeybteeda Tigreega, in toddobo qof oo kusoo dhaawacmey duqeynta lagu daweynayo isbitaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gawaaridda lagu qaado dadka dhaawaca in loo diidey in dadkii ku dhaawacmey duqeynta iney ula cararaan goob caafimaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post