1590 Views

Gaas oo amar siiyay Hay’addaha Ammaanka

Gaas oo amar siiyay Hay’addaha Ammaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 23, 2018 –Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amray Hay’addaha Ammaanka maamulka Puntland in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah,maadaama ay jirto Cabsidda ku aadan in Shabaab iyo Daacish ay Puntland weerar kusoo qaadaan.

Waxaa uu laamaha Amniga maamulka Puntland  u sheegay in ay muhiim tahay in adkeeyaan Amniga gobolka Bari oo inta badan ay ka dhacaan weeraro iyo dilal qorsheysan.

Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan Magaalada Boosaaso, waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha Ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa faraha ka baxay bilihii lasoo dhaafay ka dib markii halkaasi siyaabooyin kala duwan loogu dilay dhalinyaro, Waxgarad iyo Ganacsato

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment