2295 Views

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Munaasabad lagu qabtay Xarunta villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta xilkii kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa laabda guddoomiye kuxigeen ee Golaha Sahcabka,Xildhibaano iyo marti sharaf kale,waxana guddoomiyaha Cusub xilka ku wareejiyey guddoomiyihii hore ee is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa guddoomiyaha Cusub ku wareejiyey qorsho howleedka Golaha Shacabka iyo jadwalka Shaqo ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa amaan u jeediyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,isaga oo sheegay in uu soo shaqeeyey waqti aad u adag.

Sikastaba guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii lagu doortay Muqdisho ayaa waxaa haatan horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo Baarlamaanka Soomaaliya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment