1020 Views

Ciidamada Ahlusunna oo la wareegay degmada Guriceel

Ciidamada Ahlusunna oo la wareegay degmada Guriceel
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 1, 2021Ciidamo taabacsan hogganka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay goordhow la si nabad ah kula wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Galmudug.

Ciidamada Ahlusunna ayaa waxaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca degaanka Godwiil oo ay saakay soo gareen, waxaana degmada Guriceel isaga baxay Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa, waxana xiran inta badan Goobaha Ganacsiga Magaalada.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ay dhamaan la wareegeen Xarumaha kala duwan, sida Saldhiga Booliska iyo Xarumaha Maamulka.

Inta badan Shacabka kunool degmada Guriceel ayaa isugu soo baxay waddooyink degmada Guriceel, kuwaas oo sheegay inay soo dhaweeynayaan Ciidamada taabacsan hogganka Ahlusunna Wal-jamaaca.

Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug & saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin tallaabadaan Ciidamada Ahlusunna ay kula wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post