96 Views

Bannaanbax Lagu Taageeyo Heshiiska Turkiga oo dhacay Muqdisho

Bannaanbax Lagu Taageeyo Heshiiska Turkiga oo dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Bannaanbax ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka socda garoonka Ciyaaraha Eng Yariisow ee degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeybgalaya inta badan bulshada ku dhaqan caasimadda, si ay taageeyo ugu muujiyaan heshiiska lala galay Turkiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Arday iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa ka qeyb-qaadanaya Banaanbaxa, iyagoo wata boorar lagu xardhay erayo lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah.

Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaalada dowladda ku bixineyso, sidii loo ilaalin lahaa kheyraadka dalka iyo madaxbannanidiisa, xilli  dowladdu ay qorsheynayso dhismaha iyo tayeynta ciidanka badda Soomaaliya si amniga u hantaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Turkiga waddan saaxiib iyo walaal ah oo lagu aamini karo iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimada iyo midnimadeenna dhuleed ee Soomaaliya, xilli xiisad ay kasoo cusboonaatay badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dhanka difaaca badda iyo dhaqaalaha la gashay Turkiga, waxaana lagu wadaa in todobaadyada soo aadan ay biyaha Soomaaliya ay soo gaaraan Maraakiib kuwa ilaalada ah oo kasoo anbabaxay Turkiga, Heshiiskaan ayaa noqotay mid Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post