849 Views

AMISOM oo ka hadashay howlgalkii lagula wareegay Janaale

AMISOM oo ka hadashay howlgalkii lagula wareegay Janaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Dhawaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM waxaa ay ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Janaale ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ahaa deegaannada ay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

 

Deegaanka Janaale ayaa qiyaastii 90km (55 mayl) koonfur-galbeed uga beegan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana AMIOSM ay sheegtay in deegaan kaas oo xarun weyn u ahaa Al-Shabaab,isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada kala duwan.

 

 

Taliyaha Qeybta iyo Taliyaha Ciiddanka Uganda, Brig Richard Otto, waxay ku ammaaneen labada ciidan ee XDS iyo kuwa AMISOM xoreynta magaalada oo ay qiyaastii 30,000 oo qof ku sugan yihiin,waxaana ay sheegeen inay si buuxda ammaanka u xaqiijiyeen.

 

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa ku tilmaamay hawlgalkaas mid guuleysay,waxaana uu sheegay in la diley Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab tiro kalena la dhaawacay.

 

“AMISOM oo kaashaneysa Ciidamada Amniga Soomaaliya waxay yareeyeen Khatarta Al-Shabaab ee ku haysa dhul ballaaran ee Soomaaliya sidaa darteed awoodda ay u leeyihiin dagaalka waxaa loo soo gaabiyey weeraro yaryar oo lagu bartilmaameedsanayo yoolalka go’doonsan,” ayuu shaaca ka qaaday taliyaha.

 

Kuxigeenka Howlgalka AMISOM, Simon Mulongo, ayaa ugu hambalyeeyay XDS iyo AMISOM sida ay uga go’antahay nabada, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

 

“Xoreynta Jannale waa guul weyn oo ka soo hoynay Shabaab, Tani waxay carqalad gelineysaa howlgallada Al-Shabaab ee sii wada burburka nolosha iyo hantida. Si aad ah ayey u kordhayaan, Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa hoggaanka u haya dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab, ”ayuu yiri ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM.

 

Si kastaba Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ayaa Howlgallo ay fuliyeen waxaa ay horay kula wareegeen Afarta Deegaan,sida Sabiid-Caanoole bishii Abriil 2019, Bariire bishii Maajo 2019, iyo Awdheegley bishii Agoosto 2019.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment