1587 Views

Isbaheysiga Sacuudiga oo qabsaday garoonka magaalada Xudeyda

Isbaheysiga Sacuudiga oo qabsaday garoonka magaalada Xudeyda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 16, 2018 – Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dalka Yemen ee ay taageeraan isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa qabsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hudaida.

Magaalada Xudeyda ayaa ah Magaalo muhiim ah oo ku taalla maringa ugu Muhiimsan dalka Yemen, waxaana ku taalla dekedda ugu weyn Yemen.

Garoonka diyaaradaha ee Xudeyda ayaa dhaca koonfurta magaaladaasi,waxaana socda howlgal miino saaris ah,inkastoo dagaal xoog leh uu weli ka taagan yahay dhanka koonfureed

Kooxda Kuutiyiinta oo muddo 4-sano ah  maamulayey magaalada Xudeyda illaa hadda kama hadlin in laga qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment