660 Views

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya & Xubno kale oo gaaray Hobyo

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya & Xubno kale oo gaaray Hobyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 09, 2020 –Magaalada hobyo ee Galmudug waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi & mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay halkaasi u tageen dhagax dhigga dhismaha Deked macmal ah oo ay dhisidoonto Ha,adda WFP.

Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska ku saxiixey heshiis lagu dhisayo Dekeda Hobyo waxaana Dekedaan Macmalka ah suurta galin doontaa in qalabka lagu dhisayo dekeda laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faaidaystaan ganacsatada Reer Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan dadrdar gelinta sidii loo dhisi lahaa dekadda magalada hobyo, isla markaana Ganacsatada deegaannada galmudug uga faa’iideysan lahaayeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post