1179 Views

Aas lagu wado in loo sameeyo saakay saraakiishii Xalay shabaab ku laayeen Saldhiga waabari

Aas lagu wado in loo sameeyo saakay  saraakiishii Xalay shabaab ku laayeen Saldhiga waabari
____________________________________________________________________________

..

May 10 2021

Qarax uu gaystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa xalay ka dhacay saldhigga degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxaana dadkii ku qaraxaas lagu dilay ka mid ahaa taliyihii saldhigga Allaha u naxariistee gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane iyo saraakiil kale.

Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey ayaa lagu wadaa in saakay lagu aaso magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 6 qof oo iskugu jiro saraakiil iyo Ciidan ayaa ku dhintay qaraxii xalaya sida uu sheegay afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale aaska saraakiishan xalay shabaab ku laayeen afaafka hore ee Saldhiga waabari ayaa lagu wada in lagu aaso Xerada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee iskool Blusiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post