408 Views

20 oo kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal oo u dhashay Dalka ugandha oo booliska ku xireen magaalada Jinja ugadha sida uu ku warramay wargeyska The Monitor.

20 oo kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal oo u dhashay Dalka ugandha oo  booliska ku xireen magaalada Jinja ugadha sida uu ku warramay wargeyska The Monitor.
____________________________________________________________________________

Isniin: January 23 2023 

Koox gaareysay 20 oo kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal ee Uganda ayaa waxay booliska ku xireen magaalada Jinja, sida uu ku warramay wargeyska The Monitor.

Waxay kooxda u dabbaaldageysay guushii ay xaley Arsenal ka gaartay Manchester United oo ay 3-2 uga badisay.

Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in taageerayaasha la qabtay ay saarnaayeen kolonyo baabuur ah xilliggii ay dabbaaldegayeen.

Booliska kama aysan hadlin waxa ay geysteen taageerayaashan la xiray.

“Ma garan karo waxa aan sameynay, waxaan u dabbaadageynay guusha aan ka gaarnay Manchester United” ayuu yiri Baker Kasule oo uu wargeyska soo xigtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post