561 Views

Beeraleyda Geeska afrika oo wajahaya xaalad adag

Beeraleyda Geeska afrika oo wajahaya xaalad adag
____________________________________________________________________________

Sabti Julay  2, 2022

Warbixin la soo saaray ayaa muujineysa in guud ahaan Geeska Afrika, laga soo bilaabo waqooyiga Kenya ilaa bariga Itoobiya iyo inta badan Soomaaliya ay abaaro ba’an ka dilaacay, taasi oo sababtay nafaqo-xumo iyo macaluul soo foodsaartay Malaayiin  qof.

Abaartaan ayaa ka dhalatay Roob yarri ,dagaal sokeeye, xag-jirnimo, duullaan ciidan, isbeddelka cimilada iyo masiibada COVID-19.

Sidoo kale, beeraleyda geeska Afrika ayaa wajahaya sanadkii ugu xumaa ee wax soo saarkooda, iyadoo xilli roobaadkii ugu dambeeyay ee bilihii March ilaa May uu kii ugu qalalnaa ee taariikhda Geeska Afrika.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa sheegaysa in la waayay roobab afar oo xiriir ah, iyadoo tani ay tahay dhacdo aan horay loo arag afartantii sano ee la soo dhaafay. Xilli-roobaadka soo socda, oo caadi ahaan bilaabmaya bisha Oktoobar, ayaa rajo xumo weyn laga muujiyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post