1095 Views

Al-Shabaab oo shalay gelinkii dambe nin da’ah ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur

Al-Shabaab oo  shalay gelinkii dambe nin da’ah ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 5, 2021

Al-Shabaab oo  shalay gelinkii dambe nin da’ah ay ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Toogashada ayaa waxaa fuliyey xoogag ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan kooxda iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay ninka la toogtay oo da’diisu ay aheyd 87 sano jirin ‘inuu aflagaadeeyey’ Nabi Maxamed naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha’ahaatee.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxow Fiidow oo loo yaqaanay (Luglug), wuxuuna ku noolaa deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud.

Maxkamadda Al-Shabaab ee xukuntay marxuumka ayaa shaaca ka qaaday in caddeymo iyo sidoo kale marqaatiyaal lagu helay, sidaasna lagu dilay.

Sidoo kale ninka da’da ah ee la toogtay ayaa la sheegay inuu ka sheekeeyey taariikhda Idaacadaha ku yaalla Soomaaliya, balse marka la weydiiyey abtirsiga Nabi Maxamed (NNKH) uu ku jawaabay “Marka aan baranayo abtirsigiisa ma aniga ayaa dhalay, ma aniga ayaa habartiis ka dhalay,” kadib garsooraha ayaa ku dhawaaqay in falkaasi ay u arkaan mid ‘Diin ka bax ah’, isla-markaana yahay xad riddo ah, sidaas daraadeedna lagu xukumay dil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post