924 Views

Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 4  2020–Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday Waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan Dhabarka dambe ee Xarunta degmada Xamarjajab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska rasaas ku fureen ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha, islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Nooca gaariga Qarxay ayuu ku sheegay in uu ahaa Sruf Madow ah.

Xarunta ilaalada Canshuuraha biriga ayaa ka mid ah meelaha sidda weyn loo adkeeyo ammaankooda, waxaana ay ku taalla Dekedda Muqdisho oo ka mid ah Ilaha ugu muhiimsan dhaqaallaha dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post