570 Views

Kenya oo sheegtay Nin Soomaali ah oo uu Mareykanka si wayn u raadinayay ay qabteen

Kenya oo sheegtay  Nin Soomaali ah oo uu Mareykanka si wayn u raadinayay ay  qabteen
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 3, 2022

Laanta Dambi-baarista dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa shaacisay in howlgal ay fuliyeen cutub ka tirsan ciidanka la dagaallanka dambiyada halista ah ay soo xireen Cabdi Xuseen Axmed oo sidoo kale loo yaqaanno Abuu Khaadi, oo ay eedeysane ay si wayn u raadinaysay dowladda Mareyknaka.

Xarigga Cabdi Xuseen Axmed ayaa yimid ku dhawaad labo bilood kaddib markii gacanta lagu dhigay nin kale ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo la qabtay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka.

Xilligaas waxa ay ahayd hal isbuuc kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in lacag malaayiin doolar ah lagu abaalmarinayo ciddii soo qabata eedeysaneyaashan.

Ninkan ayaa loo haystaa dambiyo ku saabsan kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duur joog ah, sida lagu sheegay bayan kasoo baxay laanta Dambi-baarista Kenya.

Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaal-marin dhan hal milyan oo doolar oo loo ballanqaaday in la siiyo qofkii keena macluumaad lagu soo qaban karo. 

Dambiga looga soo oogay Mareykanka waxaa kale oo ku wehlinayay eedeysaneyaal kale oo lagu kala magacaabo Moazu Kromah, oo sidoo kale loo yaqaanno Ayoub, Ayuba, ama ampala Man; Amara Cherif, oo loo yaqaanno Bamba Issiaka;b iyo Mansur Maxamed Surur.

Dhammaantood waxaa lagu tuhunsan yahay inay ka qayb qaateen qorsheynta iyo fulinta dambiyo ku saabsan dhoofinta geesaha Wiyisha iyo foolasha Maroodiga, oo labadoodaba ah xayawaan la ilaaliyo jiritaankooda, kuwaasoo ay kusii iibsadeen lacag dhan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post