879 Views

Kulan dhexmaray Qoorqoor iyo Odayaasha dhaqanka Cabudwaaq

Kulan dhexmaray Qoorqoor iyo Odayaasha dhaqanka Cabudwaaq
____________________________________________________________________________

MMogadisho | QOL |  June 30. 2020-daxweynaha maamulka Axmed Cabdi Kaariye iyo ku Xigeenkiisa Cali Dahir Ciid ayaa kulan la-yeeshay golaha guurtida Degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Kulankaan ayaa looga hadlay xoojinta Ammaanka Magaalada iyo wada shaqeynta maamulka Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka.
Shirkaan waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-U-Heshiinta, iyo Fedaraalka, waxana sidoo kale diirada lagu saaray dardargelinta daddaalada nabadeynta iyo dowlad dhisida.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Safar ku maraya degaano ku degmooyin ka mid ah maamulka Galmudug, kuwaasoo looga hadlayo nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post