678 Views

Dowlad-deegaanka Soomaalida toobiya oo ku dhawaaqay iska difaacid Duulaanka kooxda TPLF

Dowlad-deegaanka Soomaalida toobiya oo  ku dhawaaqay iska difaacid Duulaanka kooxda TPLF
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 3, 2021

Dowlad-deegaanka Soomaalida eecItoobiya ayaa ku dhawaaqay inuu iska difaaci doono duulaanka kooxda TPLF, iyadoo dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya uu ku dhow yahay magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa.

Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen fiidnimadii Talaadada, golaha wasiirrada dawlad-goboleedka ayaa go’aan ka soo saaray ‘in la ilaaliyo is-xukunka shacabka

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale cambaareeyay wax ay ugu yeereen gardarada TPLF waxayna ku celiyeen in ay taageersan yihiin dowladda federaalka ‘in la fashiliyo soo laabashada xukunkii shalay ee argagaxisada’.

Qaraarkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ka codsaday shacabka Itoobiya in ay abaabulaan oo ay ka difaacaan kooxda TPLF iyo ku dhawaaqista xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale difaacay go’aankiisii ahaa in sanadkii hore uu dagaalka kula wareego kooxda TPLF, isagoo xusay in weerarkii lagu qaaday taliska waqooyi ee gobolka Tigray ay lagama maarmaan noqotay in laga jawaabo.

Afhayeenka TPFL Getachew Reda ayaa meesha ka saaray amarka xaaladda degdegga ah ee Adis Ababa looga dhawaaqay isagoo ku tilmaamay qorshe Abiy ku doonayo in xabsiga iyo dilka shacabka ku banaysto.

Ciidamada difaaca Tigray-ga ayaa tan iyo markii ay qabsadeen magaalooyinka muhiimka ah ee Kombolcha iyo Dessie, oo qiyaastii 400km u jira caasimadda Addis Ababa waxa ay hormariyeen dagaalkooda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post