588 Views

Turjumaannadii ciidamada Britain ee Afghanistan oo dib u dejin laga siin Doono Dalkaasi

Turjumaannadii ciidamada Britain ee  Afghanistan oo dib u dejin laga siin Doono Dalkaasi
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal si degdeg ah dib u dejin loogu sameynayo boqollaal qof oo Afghanistan u dhashay, kuwaas oo la soo shaqeeyay militariga Britain iyo dowladdooda, badankoodna waxay ahaayeen tarjumaanno.

In ka badan 3,000 oo Afghanistan u dhashay iyo qoysaskooda ayaa la filayaa in loo oggolaado in ay ku noolaadaan UK, iyadoo ay hore dalkaasi u joogeen illaa 1,300 oo kale.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli loo baqayo ammaankooda maaddaama ciidamada caalamiga ah ay isku diyaarinayaan in ay isaa baxaan dalkaas.

Xoghayaha Difaaca UK, Ben Wallace, ayaa sheegay inay “sax tahay” in la dedejiyo qorshooyiinka.

Wuxuu intaas ku daray in dadka dib u dejinta loo sameynayo ay yihiin kuwa khatarta kala kulmaya kooxda.

Arrinta ayaa ahayd walaac taagan, tan iyo markii ciidamada Britain ay soo afjareen howlgallo ay ka wadeen gobolka Helmand, sannadkii 2014.

Markii hore waxaa adkaa shuruudaha lagu xiray cidda codsan karta in ay nolol cusub ka bilowdo UK. Tusaale ahaan, waxaa muhiimadda la siinayay turjumaannada muddo ka badan sanad la soo shaqeeyay ciidamada Britain ee safka hore ee gobolka Helmand.

Balse sida ay qabto siyaasadda dowladda cusub, shaqaale walba oo hadda la shaqeeya amaba hore ula shaqeyn jiray ciidamada Britain, isla markaana ay noloshooda khatar amni ku jirto, ayaa loo oggolaan doonaa inay degaan UK

Weli ma cadda tirada dadka Afghanistan u dhashay ee dib u dejinta looga sameyn doono Briatin, balse dowladda ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in inka badan 3,000 loo sameeyo dib u dejinta.

‘Naf hurid badan ayay sameeyeen’

Mr Wallace ayaa BBC-da u sheegay in “iyadoo ciidamada galbeedka ay isaga baxayaan Afghanistan, ay sii kordheyso khatarta, ay ka mid tahay weerarrada qorsheysan ee ka imaanaya Taliban”.

Wuxuu sheegay in dadkii la soo shaqeeyay Britain ay “wax badan u hureen UK, lana joogo waqtigii loo abaal gudi lahaa”.

Bilowgii sannadkan, waxaa Afghanistan ku sugnaa illaa 750 ciidamada UK ah – kuwaas oo badankooda sugayay ammaanka caasimadda Kabul.

Ka bixitaanka ciidamadaas ayaa hadda socota kaddib go’aankii Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ee ciidamada Mareykanka looga saarayo dalkaas.

Ciidamada NATO ayaa iyaguna oggolaaday in ay sidaas sameeyaan, inkastoo saraakiisha difaaca Britain ay niyadjab ka muujiyeen go’aankaas.

Mareykanka oo isaguna shaqaaleysiiyay dad badan oo Afghanistan u dhashay, ayaa la sheegyaa inuu ka shaqeynayo tallaabo taas la mid ah.

Dib u dejinta boqollaalka u dhashay Afghanistan loogu sameynayo UK, waxaa ka dhalan karo caqabado.

Dowladda ayaa ka fekeri doonta qaab ay si ammaan ah ula soo dhoofi karaan ciidamada Britain ee weli dalkaas ku harsan. Dowladda ayaa sidoo kale maamullada gudaha kala shaqeyn doonta halka la dejin doono qoysaskaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post