666 Views

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo xukun adag lagu riday

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo xukun adag lagu riday
____________________________________________________________________________

Maxkamada ugu sarreysa dalka Koonfur Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bil oo xabsi ah, kaddib markii ay ku heshay dambi ah inuu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa inuu horyimaado, si loo dhageysto eedeymo loo heysto.

Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa.

Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February, waxaana kiiska Zuma horkacayay ku xigeenka xeer-ilaaliyha guud Raymond Zondo, sida ay qortay wakaladda wararka ee Reuters.

New York Times ayaa qortay in Zuma si geesinimo ku jirto u diiday amarka maxkamadda.

Zuma, kaliya ma diidin inuu maxkamadda horyimaado, hase yeeshee wuxuu sidoo kale ku gacanseyray jiritaanka kiiskan iyo inuu is difaaco

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post