1449 Views

Madaxweyne Putin oo sheegay in xagjirnimadu badhtamaha Aasiya kaga fidi karto Afghanistan Talibaan

Madaxweyne Putin oo sheegay in xagjirnimadu badhtamaha Aasiya kaga fidi karto Afghanistan Talibaan
____________________________________________________________________________


Isniin: August 23, 2021 

Aqalka looga arimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegay in madaxweyne Putin digniin u diray hogaamiyeyaasha dalalka gobolka ee la leh iskaashiga milatari.

Digniintaas ayaa hayd in ay suurto gal tahay in xajirnimada Islaamiyiintu dalalkooda kaga soo fidi karto dhanka Afghanistan.

Wuxuu farta ku fiiqay halista ka iman karta ururka mitidka ah ee la baxay dawladda Islaamka, waxaanu hadalkaas ka sheegay shir maqal iyo muuqaal ah oo ay yeesheen madaxda wadamadaas oo isbahaysigooda magaciisa loo soo gaabiyo CSTO ee badhtamaha Aasiya.

Hogaamiyeyaashu waxay sidoo kale ka wada xaajoodeen sida ay uga hortagi karaan in Islaamiyiinta xagjirka ahi duufsadaan muwaadiniintooda iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada ee internet-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post