723 Views

Dad ku dhintay diyaarad ku dhacday gobolka Texas ee Mareykanka

Dad ku dhintay diyaarad ku dhacday gobolka Texas ee Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 22 2020—Afar qof oo ka soo jeeda Louisiana ayaa ku dhimatay markii diyaarad ay sarnaayeen ay ku dhacday dhul daaqsimeed Texas ee Mareykanka xilli ay isku dayaysay in ay si deg  deg ah ku degto, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Shilku wuxuu ka dhacay  agagaarka garoonka diyaaradaha ee Hilltop Lakes, oo qiyaastii 120 mayl (193 kilomitir) waqooyi-galbeed ka xigta Houston.

Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Texas ayaa sheegtay in dhammaan afarta qof ee saarnaa diyaaradda dhinteen.

Leon County Sheriff Kevin Ellis ayaa u sheegay wargeyska in diyaaraddu ay isku dayaysay inay deg deg deg ku degdegto isla markaana ay raadiyaha kula xiriirtay Maamulka Duulista Federaalka xilligii ay dhacday.

Diyaaradda ayaa ka kacday Horseshoe Bay Resort, galbeedka Austin, waxayna ku sii jeeday Natchitoches, Louisiana, sida ku xusan diiwaanka duulimaadka, Diyaaradda waxay ka diiwaan gashanayd shirkad ku taal Lafayette, Louisiana.

Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka ayaa sheegay inay baarayaan shilka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post