795 Views

afar musharrax oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashooyinkii deegaanka ee Khamiistii ka dhacay dalka Britain

afar musharrax oo Soomaali ah oo  ku soo baxay doorashooyinkii deegaanka ee Khamiistii ka dhacay dalka Britain
____________________________________________________________________________

May 8, 2021

Ugu yaraan afar musharrax oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashooyinkii deegaanka ee Khamiistii ka dhacay dalka Britain, waxaana dhinaca kale doorashooyinkan guuldarro weyni ka soo gaartay Xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Xisbiga talada haya ee Conservative Party ayaa ku guuleysay kuraas ka badan intii ay filayeen.

70% kuraastii lagu tartamay ayaa xisbiga shaqaalaha lagaga guuleystay, waana guuldaradii ugu weyneyd ee soo wajahda tan iyo intii uu xilka xisbigaasi qabtay Sir Keir Starmer.

Mandaqada Welshka oo keliya ayuu xisbiga shaqaaluhu guulo ka gaaray, halka Scotland la filayo in uu xisbiga SNP uu helo aqlabiyada kuraasta baarlamanka gobolkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post