501 Views

Ra’iisal wasaaraha Canada oo adeegsaday awood aan horay looga baran

Ra’iisal wasaaraha Canada oo adeegsaday awood aan horay looga baran
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Ra’iisal wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa adeegsaday awood aan horay looga baran si uu u afjaro dibedbaxyada ka dhanka ah xayiraadaha uu keenay cudurka Civid-19.

Trudeau ayaa sheegay inuu ka fursan waayay tallaabada uu qaaday.

Awoodaha uu isticmaalay ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa kamid ah kuwo u oggolaanaya booliska inay xiraan oo ay ganaaxaan shakhsiyaadka ay tuhmaan.

Waxa ku bilowday isu soo bax looga soo horjeedo sharci cusub oo ah in dhammaan gaadiidleyda ay tahay in la tallaalo si ay uga gudbaan xadka Mareykanka iyo Canada, ama karantiil marka ay soo laabtaan, waxay ku noqotay caqabad ballaaran dhammaan xannibaadaha caafimaadka ee Covid.

“Tani waxay ku saabsan tahay in dadka reer Canada la badbaadiyo, lana ilaaliyo shaqooyinka dadka,” ayuu Mr Trudeau ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii.

Waxa uu sheegay in booliiska la siin doono “qalab badan” si ay u xiraan ama u ganaaxaan dibadbaxayaasha iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah.

Mr Trudeau ayaa u sheegay saxafiyiinta in sharciga la xirriira xanibaadaha Covid-19 loogu dhaqmi doono si gaar ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Chrystia Freeland ayaa shirkii jaraa’id ee isniinta ka sheegtay in bangiyada ay awood u yeelan doonaan in ay xayiraan akoonnada gaarka ah qof kasta oo lala xiriiriyo mudaaharaadyada iyada oo aan loo baahnayn amar maxkamadeed.

Caymiska baabuurka qof kasta oo ku lug leh mudaaharaadka ayaa sidoo kale la hakin doona, ayay raacisay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post