612 Views

Guddoonka BFS oo maanta kulan la leh Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Guddoonka BFS oo maanta kulan la leh Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: May 14, 2022

 

Waxaa maanta lagu wada in magaalada Muqdisho ay kulankooda ugu dambeeyay ay ku yeeshaan Guddiga qaban qaabada ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo qababada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya,w axaana kulankan ka qeyb geli doono  Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, iyadoona la filayo in ay soo saaraan amar lagu adkeeynayo amniga Magaalada Muqdisho.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho.

Kulamo siyaasadeed iyo ololo xoogan ayaa ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay wadaan xubnaha musharixiinta iyo xildhibaanada labada aqal ee BFS.

Beri oo ku beegan 15 may ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post