726 Views

Ra’iisul-wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cabdullahi Maxamed Shirwac

Ra’iisul-wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cabdullahi Maxamed Shirwac
____________________________________________________________________________

Aaxd: May 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.”

Cabdullaahi M. Shirwac ayaa ahaa xubin firfircoon oo bulshada rayidka ka tirsan , waqtigiisa iyo maskaxdiisana mar walba u hurayay horumarinta nabadda iyo abaabulka bulshada ee ku wajahan ka jawaabidda xaaladdaha deg-degga ah ee gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post