948 Views

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah
____________________________________________________________________________

Hal askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala beegsaday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Miino ayaa lagu aasay meel u dhow ceel ku yaalla degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana inta badan isticmaali jiray askarta Itoobiya ee ku sugan deegaankaasi, sida uu sheegay Aadan Isaaq oo ka mid ah saraakiisha ammaanka oo khadka taleefanka kula hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo goobta ku sugnaa. Labada kale ee dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka,” ayuu yiri.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarkan oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Ciidamada Militariga Somaliya, ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee laga fulinayo degaannada Koonfur Galbeee.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal talaadadii ka dhacay degaanka Fiidow ee Gobolka Hiiraan ay ku dileen ugu yaraan 60 ka tirsan  Al-Shabaab, oo uu ku jiro sarkaal sare.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post