327 Views

Ciidanka Xoogga oo shaaciyay magacyada Saraakiisha Al-shabaab looga dilay G/Hiiraan

Ciidanka Xoogga oo shaaciyay magacyada Saraakiisha Al-shabaab looga dilay G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

Dowlaadda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada qaar kamid ah Saraakiisha Al-shabaab looga dilay howlagalada Ciidanka XDS ay ka wadaan gobolka hiiraan.

Deegaano dhinaca jiinka wabiga Shabeelle kaga beegan deegaanka Booco oo dhawaan laga saaray Al-shabaab ayay Ciidanka gaar ahaan guutada 18-aad kumaandooska XDS Gorgor howlgalkii ay ka sameeyeen ku dileen, sida ay baahisay Warbaahinta Ciidamada.

1- Cabdiraxmaan Giir oo magaciisa afgarashadu yahay (Digsi)
2- Maxamed Yusuf oo magaciisu afgarashadu yahay (Abuu Nucmaan)
3- Abuu Yaxye oo dhalasaho ahaan kasoo jeeda dalka Koonfur Afrika.

Raggaan ayaa ahaa Saraakiisha Al-shabaab ee lagu ku dilay howgalada ka socda gobolka Hiiraan sida uu Warbaahinta C.Q.S u sheegay Dhamme Maxamed Xirsi Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad kumaandooska Xds Gor-gor.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post