1041 Views

Q,M oo ka digay dagaal ka dhex qarxa dawlada Maraykanka iyo Shiinaha.

Q,M oo  ka digay dagaal ka dhex qarxa dawlada Maraykanka iyo Shiinaha.
____________________________________________________________________________


Isniin: September 20, 2021

Xog’hayaha guud ee Q,M Antooniyo Gutarees ayaa ka digay
dagaal ka dhex qarxa dawlada Maraykanka iyo Shiinaha.


Antooniyo Gutarees ayaa sheegay inuu si hadda ula socdo khilaafka iyo
hadalada ay hawada isku marinayaan madaxda labada dawladood.


Waxaa uu sheegay inuu usoo jeedinayo madaxda dawladaha Maraykanka iyo
Shiinaha ay ka fogaadaan wax kasta oo sababa kara isku dhac ama xataa
dagaal qabow oo labada dhinac dhex mara.


Maraykanka iyo Shiinaha oo hogaaminaya dhaqaalaha dunnida ayuu ugu
baaqay inay xoog badan galiyaan xal u helida xanuunka Karoona intii ay ku
mashquuli lahaayeen khilaaf dhexdooda ah.


Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaan hagaagsaneyn muddo sanado ah
waxaana ay isku maandhaafsanyihiin habka canshuuraha looga qaado
ganacsatada labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post