834 Views

Dablay hubaysan oo 55 qof ku dilay woqooyiga dalka Burkina Faso

Dablay hubaysan oo 55 qof ku dilay woqooyiga dalka Burkina Faso
____________________________________________________________________________

Talaado: June 14, 202

Ka dib 35 sano oo hoos u dhac ah, waxaa haatan muuqanaysa in tobanka sano ee soo socda inay sare u kacayaan tartanka dhinaca hubka nukliyeerka ee u dhexeeya dalalka caalamka, iyada oo ay haatan sii kordhayso xiisadda ka dhalatay dagaalka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.

Sagaalka quwadood ee sida rasmiga ah ugu hubaysan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka ee kala ah Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Hindiya, Israel, Kuuriyada Woqooyi, Pakistan, Maraykanka iyo Ruushka, ayaa marka la isu geeyo wadar ahaan waxay horraantii sannadkan haysteen illaa 12,705 madax oo nukliyeer ah, taasoo ka yar 375 xabbo intii ay haysteen sannadkii hore ee 2021 bilawgiisii, marka la tixraaco qiyaasaha uu sameeyey machadka cilmi baadhista ee Stockholm International Peace Research Institute oo loosoo gaabiyo (SIPRI).

Tan iyo markii u dhamaaday dagaalkii qaboobaa, waxaa dalalka Ruushka iyo Maraykanku ay bilaabeen inay baabi’iyaan qaybo badan oo ka mida hubkooda Nukliyeerka si hoos loogu dhigo khatarta uu hubkaasi keeni karo.

Hase ahaatee haatan waxaa muuqata in laga sii baxayo xilligii ay dalalka ku hubaysan hubka Nukliyeerku ay heshiiska ku ahaayeen in hoos loo dhigo tirada hubka. Machadka SIPRI ayaa isagu sheegay in xiisadda u dhexeysa dalalka ku hubaysan Nukliyeerku inay haatan marayso halkii ugu sarraysay ee ay gaadho tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa iyagu iska leh 90% hubka Nukliyeerka ee dunida yaalla.

Ruushka ayaa weli ah dalka haysta hubka ugu badan ee Nukliyeerka, wuxuuna leeyahay 5,977 madax, halka dalka Maraykanku uu haysto 5,428 madax oo hubka nukliyeer ah, dalka Shiinaha ayaa ku jira kaalinta saddexaad wuxuuna haystaa 350 madax oo nukliyeer ah, Faransiiska ayaa haysta 290 madax, halka Ingiriisku uu leeyahay 225, Pakistan ayaa leh 165 madax, halka Hindiya ay haysato 160 madax, dalka Israel ayaa isaguna haysta 90 madax.

Israel waa dalka keliya ee ku jira sagaalka quwadood ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka ee aan si rasmi ah u sheegan inay haysato hubka Nukliyeerka.

Ururka SIPRI ayaa sheegay in dalka Kuuriyada Woqooyi uu haatan haysto illaa 20 madax oo nukliyeer ah, waxaana la aaminsan yahay in dalkaasi uu haysto dhammaan agabkii uu u baahnaa si uu u soo saaro illaa 50 madax oo kale oo hubka nukliyeerka ah.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post