867 Views

Raisal wasaare Rooble iyo xubnaha beesha caalamka oo shir ku yeeshay xerada Xalane..

Raisal wasaare Rooble iyo xubnaha beesha caalamka oo  shir  ku yeeshay xerada Xalane..
____________________________________________________________________________

May 5, 2021

Waxaa kulan albaabada u xuran yahay muqdisho ku dhex maray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan Xalane.

Kulanka oo ay codsatay Beesha  caalamka ayaa looga hadlayaa doorashooyinka iyo sidii Rooble lagala shaqeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlayaa sidii ay beesha Caalamka u fududeyn laheyd shirka la filayo inay Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeeshaan Muqdisho 20 Bishaan sida uu iclaamiyey Ra’isul wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post