2391 Views

Kulan looga hadlay sida la isugu xiri karo Haweenka Siyaasada Ku jira iyo Kuwa Bulshada Rayidka oo ka dhacay Muqdisho

Kulan looga hadlay sida la isugu xiri karo Haweenka Siyaasada Ku jira iyo Kuwa Bulshada Rayidka oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 30, 2018 – Magaalada Muqdisho Waxaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen haween ka tirsan golaha shacabka, Aqalka Sare iyo Haweenka Ururada Bulshada Ra’yidka waxaa kulanka looga hadlay sidii loo sameyn lahaa is gaashaa-buursi ku aadan sidii la isugu xiri lahaa Haweenka siyaasada ku jira iyo kuwa bulshada ra’yidka, sida loo sameyn karo xeerar haweenka ka caawiya dhinacyada Bulshada, Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Siyaasada.sidoo kale waxaa lagu qaadaa dhigay qorshayaasha ay haweenka Sameyn karaa si 2020 ay door muuqda uga qaataan siyaasada dalka.

Haweenka hogoomiyaasha ka ah Ururada Haweenka ayaa xubnaha xildhibaanada u soo jeediyay in ay xoog badan galiyaan sidii wadashaqeynta iyo iskaashiga loo hagaajin lahaa iyaga oo ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen kaalintii isku xirka iyo horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Saynab Maxamed Xasan ( Siraad ) oo ah aas aasaha Dhaqdhaqaaqa SGEM oo ka shaqeeyo in raga iyo dumarka ay si isku mid ah uga faa’iideystaan fursadaha jira ee dhinacyada shaqada, waxbarashada, iyo Siyaasada soona qaban qabisay kulanka ayaa “ tiri muhiim ayay inoo  tahay in aan is wada aragno si waxyaabaha jira iyo waxa soo socda looga fikiro, waxa uu ahaa in is aragaani uu dhaco mar hor laakiin maanta ayuu ku soo beegmay”

Zahra Maxamed Axmed oo ah la taliyaha dhanka Sharciga ee SWDC ayaa tiri “ waxa aan dadaal ku soo bixinay in haweenka kaalin muuqata ay ku lahaadaan siyaasada haddii aynu nahay haweenka Bulshda Ra’yidka balse waxaa muhiim ah in hadda fadhiga aan ka wada kacno si aan ugu tabaabusheysano 2020 oo ah xili oday uusan wax ku siin doonin.”

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo dhanka Shuruucda ka hadashay ayaa tiri  “waa in aan xooga saarno sameynta iyo ka fikirka sharciyo haweenka u hiilinayo si la iskula xisaabtamo oo ay u noqoto wax qoran waxyaabaha aan ku doodeyno.”

Xili wadanka uu wajahayo qaabilida xisbiyo siyaasadeed oo sharci ah si sanadka 2020 ay u dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan waxa ay sheegtay in muhiim ay tahay in dumarka ay xisbiyada kaalin fiican ku lahaadaan si doorka matalaada bulshada ay meel fiican uga gaaraan.

Xildhibaan Mina Xasan Shibis oo golaha shacabka ka tirsan ahna Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed Qeybta Golaha Shacabka ayaa sheegtay in ay bilow yihiin balse ay xooga saarayaan sidii haweenka bulshada ra’yidka iyo iyagu ay iskula shaqeyn lahaayeen “waxa aan dareen sanahay in gaabis uu jiro laakiin waxa aan meesha ka saari doonaa gaabiskaasi inaga oo qaadaneyno dhaliilaha aad noo soo jeediseen ayay tiri”

Ugu danbeyntii: Senator Shukri Aadan Camey oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka baarlamaanka ee Aqalka Sare ayaa sheegtay in ay wadaan dadaalo ay ku diyaarinayaa sharciyo quseeya dhinacyada bulshada “ waxa aan ka talo galineynaa dadka ay quseeyaan sharciyadaasi sida Haweenka ciidanka, iyo Haweenka kale ee bulshada qeybta ka ah balse waxaa muhiim ah in aan saro u qaadno cilmiga iyo aqoonta haweenka waxa aan idiinku baaqeynaa in  diyaarinta xeerarkaasi aad  nagala soo qeyb gashaan.

shir-haweenka-6 shir-haweenka-5 shir-haweenka-4 shir-haweenka-3 shir-haweenka-2 shir-haweenka-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment