225 Views

Toddobaadkan Ms Mandel waxay baraha bulshada ka sameysay qeylodhaan ku aaddan sidii looga caawin lahaa in wax laga baddalo xogteeda ku saabsan dhinaca guurka

Toddobaadkan Ms Mandel waxay baraha bulshada ka sameysay qeylodhaan ku aaddan sidii looga caawin lahaa in wax laga baddalo xogteeda ku saabsan dhinaca guurka
____________________________________________________________________________

 Talaado: December 20, 2022

 Waxaa naadir ah in dadka wax qora ay bixiyaan wareysi ay kaga hadlayaan noloshooda jaceyl, balse Emily St John Mandel, oo ah gabadh qortay buugaagtii ugu gadashada badnaa ee Station Eleven, iyo The Sea of Tranquillity yaa waxay dooneysaa inay ka hadasho arrimahaas.

Toddobaadkan, Ms Mandel waxay baraha bulshada ka sameysay qeylodhaan ku aaddan sidii looga caawin lahaa in wax laga baddalo xogteeda ku saabsan dhinaca guurka gaar ahaan macluumaadka ugu qoran barta Wikipedia.

Bartan online-ka ee encyclopaedia waxaa ugu qoran xog ku saabsan in la qabo gabadhan balse dhab ahaantii lama qabo hadda, waxay seygeeda kala tageen bishii November.

Balse gabadhan qoraaga ah ee u dhalatay dalka Canada waxay isku dayday inay wax ka baddasho xogteeda guur ee ku qoran boggaas, waxay isku aragtay in arrinta ay jahwareer kala kulantay.

“Waxaa ii soo baxday in qofka uusan wax khibrad ah ka heysan noloshiisa marka haddii barta Wikipedia ay arrintaa khuseyso, mar waxaad u baahan tahay in aad hesho il labaad oo aad ku tiirsanaato” ayay tiri Emily St John Mandel mar ay la hadleysay BBC-da.

“Kaliya waxaan doonayay in aan arrinta faahfaahin ka helo, waad fahmi kartaa markii aan weriyaha ka la hadlay arrintani, si aan xog ugu helo arrintan”.

Toddobaadkan waxay gabadhan baraha bulshada kusoo bandhigtay su’aasha ah: Ma heli karaa weriye aan wareysi siin karo si la iiga caawiyo in aan wax ka baddalo xogteyda guurka ee Wikipedia?

BBC-da waxay gabadhan ka caawisay inay wax ka baddasho xogteeda guurka, haatan wax kasta wey u saxan yihiin, waxaana la saxay xogteeda guurka ee ku qorneyd Wikipedia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post