3579 Views

Puntland oo ka cabaneyso dhalinyaro Itoobiyaan oo soo buux dhaafiyay deeganadeeda

Puntland oo ka cabaneyso dhalinyaro Itoobiyaan oo soo buux dhaafiyay deeganadeeda
____________________________________________________________________________

Garowe | February 1, 2017 – Maamulka Puntland ayaa sheegay in deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo ay soo buux dhaafiyeen dad badan oo tahriibayaal ah walibana u badan Itoobiyaan, kuwaasi oo doonaya inay ka tahriibaan deegaannada maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/xakiin C/laahi  Cumar Camey ayaa sheegay in ay ka war hayaan dadkaan, islamarkaana maalin walbo soo galaya deegaannadooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan awoodin daryeelkooda iyo la socodka xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inay la socdaan dad Somaliyed oo iyaguna deegaannada Puntland u tagay inay ka dhoofaan, ama ka tahriibaan waa sida uu hadalka u dhigay, kuwaasi oo lagu arkaayo Magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Umaddii Somaliyed iyo dowladaha deriska nahay oo Itoobiya ugu badan tahay waxay dadkeedii dhooban yihiin Puntland, waxayna ku socdaan iney ka dhoofaan oo meello kale uga sii gudbaan, ama tahriibaan, dowladda Puntland ma awooddo daryeelkooda, marka waxaan arbnaa in aduunka uu arrintaasi dib u eego”, ayuu yiri Cameey.

Puntland ayaa isku dayaysa inay la dagaalamaan dhalinyarada ka tahriibaysa deeganada Maamulkaasi, iyaga oo ka feejigan in dhalinyaradaasi ay abuuri karaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Inta badan dadka Itoobiyaanka ah ee taga deegannada Puntland ayaa u baxa iney u tahriibaan dalka Yemen, waxayna dadkaasi badi ku sugan yihiin deegaannada gobolka Bari.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment