948 Views

Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo Warbixin soo saarey

Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo Warbixin soo saarey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 08, 2020—Guddiga Farsamada & Maamul dhisidda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo shirjaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaaban doonto xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

 

Guddoomiyaha  Guddiga Farsamada iyo Maamul dhisida Galmudug ayaa waxaauu sheegay in isfaham buuxa laga gaarey dhamaan tabashooyinkii ay qabeen Beelaha,isla markaana laga raali geliyey Bulshada Galmudug dib u dhaca xulista Xildhibaannada.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya si toos ah loo guda geli doono xulista Baarlamaanka Galmudug loogana baahan yahay inay u diyaar garoobaan xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment